Ugu yaraan lix qof oo saddex caruur ah ay ku jirto oo ku dhintay daadad ku dhuftay Qardho

Duqa Qardho Cabdi Siciid Cusmaan. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan lix qof oo saddex caruur ah ay ku jirto ayaa ku geeriyooday kadib daadad ay keeneen roobab mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, sida uu sheegay duqa magaalada Qardho.

“Xalay waxaa ka da’ay magaalada Qardho iyo nawaaxigeeda roobab mahiigaan ah oo magaalada biyo faro badan ku soo celiyay, biyahaas oo runtii khasaare kale gadisan geystay oo ah naf iyo maal,” ayuu duqa Qardho Cabdi Siciid Cusmaan u sheegay warbaahinta maanta oo Talaado ah.

“Haddeer dadka dhintay waxaa weeye lix qof oo isugu jira saddex caruur ah labo rag ah iyo hal dumar ah.” Ayuu ku sii daray.

Waxa uu sheegay in biyaha daadku ay geysteen khasaare kale oo ay kamidyihiin baabuur ay biyuhu qaadeen iyo guryo burburay.

Dad aan tiradoodu la garanayn ayaa sidoo kale la la’yahay, sida uu sheegay duqa magaalada Qardho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray Qardho si uu u kormeero khasaaraha ay geysteen daadku.

Khuburada saadaashada hawada ayaa sheegaysa in roobab kale ay di’I karaan iyadoo circa uu cusub yahay xilli lagu jiro xilli roobaadka Gu’ga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*