Huteel kuyaala magaalada Nairobi oo weerar lagu qaaday

Qiiq ayaa la arkayay kasoo baxaya xarunta, iyo baabuur ay dab qabsadeen yaalay goobta. [Xigashada Sawirka: Citizen TV]
Nairobi-(Puntland Mirror) Huteel kuyaala caasimada dalka Kenya ee Nairobi ayaa weerar lagu qaaday galabta oo Talaado ah.

Ugu yaraan labo qarax iyo rasaas ayaa laga maqlay xarun kutaala degmada Westland ee magaalada Nairobi, halkaas oo uu kuyaalo huteelka DusitD2 iyo sidoo kale xafiisyo.

Dad badan oo dhiig korkooda ka qubanayo ayaa laga soo saaray xarunta.

Afar nin oo hubeysan ayaa xarunta gashay, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Haweenay ka shaqeynaysay xarun u dhow dhismaha ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegtay: “Waxaan maqlay xabado, kadibna waxaan arkayay dad cararaya oo gacmaha kor u taagaya iyo qaar galaya banki ay ku dhuumanayaan oo ay naftooda ku badbaadinayaan.”

Qiiq ayaa la arkayay kasoo baxaya xarunta, iyo baabuur ay dab qabsadeen yaalay goobta.

Sargaal katirsan ciidamada booliiska ayaa BBC-da u sheegay in xaaladu aysan fiicnayn ayna dadku geeriyoonayaan.

Ma jirto faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay ilaa iyo hadda.

Huteelka la weeraray oo ah five-star ayaa leh 101 qol.

Maleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya oo horey weeraro uga geysatay dalka Kenya ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.

“Anagaa ka dambayna weerarka Nairobi. Howlgalku waa uu socdaa,” Cabdicasiis Abu Muscab, afhayeenka howlgalada Al-Shabaab, ayaa sidaa u sheegay Reuters.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*