Gaar u-ah: Puntland Mirror oo baaritaan ku sameeyay khaladaadka iyo eedaha musuqmaasuqa ka dhex jira mashruuca dhiraynta magaalada Garoowe

Xildhibaanada golaha deegaanka Garoowe oo kormeer ku tagay meelaha ay ka socotay shaqada dhiraynta. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Xildhibaanada golaha deegaanka Garoowe oo kormeer ku tagay meelaha ay ka socotay shaqada dhiraynta. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Saddexdii asbuuc ee u dambaysay, warsidaha Puntland Mirror waxa uu baaritaan ku waday eedaha khatarta ah ee musuqmaasuqa mashruuca dhiraynta magaalada Garoowe oo ay fulinayso haayada Care International. Baarayaasha ayaa baaris ku sameeyay dukumentiyo la xiriira mashruuca waxayna wareysi la yeesheen xildhibaanada golaha deegaanka degmada Garoowe iyo sidoo kale si lamid ah khuburada dhiraynta iyo maareynta khayraadka dabiiciga ah.

15-kii Febaraayo golaha deegaanka degmada Garoowe ayaa saxaafada ku casumay kormeer ay ku sameeyeen mashruuca dhiraynta magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland.

Kormeerka kadib golaha deegaanka ayaa gudaha magaalada ku qabtay shir jaraa’id, iyagoo haayad Care International ku eedeeyay in ay musuq-maasuqday mashruuca dhiraynta magaalada Garoowe.

Xildhibaan Mowliid Aw-axmed Yuusuf oo golaha deegaanka u qaabilsan ilaalinta iyo dhowrista nidaamka caasimada Puntland ee Garoowe, ayaa shirka jar’aaid maalintaas si adag ugu eedeeyay haayada Care in ay musuq-maasuqday mashruucaas dhiraynta ee magaalada. sidoo kale waxa uu sheegay in qandaraaska mashruuca aan loo marin nimaad cadaalad ah oo waadax ah. “Shalay ayaan ogaanay in haayada Care International ay bilowday godadka mashruuca dhiraynta magaalada Garoowe. dowladda hoose ee Garoowe waxba kala ma socon qandaraas bixinta mashruuca sidoo kale kuma lug lahayn hanaanka qandaraas bixinta, si kastoo ay ahaataba mashruucaan oo ay bixiyeen Midowga Yurub oo ahaa mid muddo la sugayay oo ay lahayd caasimada Puntland ee Garoowe waanu soo dhaweynay waana uga mahacelinay Midowga Yurub taageeradooda balaaran,” ayuu yiri xildhibaan Mowliid.

“Kadib markii aan ogaanay waxaan raadinay dowrkii ay ku lahayd dowladda hoose ee Garoowe oo ahayd qaabka naqshada ee loo beerayo dhirta, masaafo ahaan inta ay isku jireyso iyo dhirta nooceeda, ” ayuu ku daray.

Xildhibaan Mowliid ayaa sheegay in kormeer ay ku sameeyeen mashruuca ay ku ogaadeen in sidii lagu heshiiyay aan loo qaban shaqada, lana siiyay shirkad aan magac lahayn oo aan diwaangashanayn.

“Heshiiska ay kala saxiixdeen Care iyo European Union-ka waxaa ku qoran in marka dhirta la abuurayo la qodo hal mitir oo hoos ah balacana uu yahay 80x80cm iyo shabaqa lagu xirayo dhirta oo ah 1.8 mitir oo kor ah iyo balaca oo ah 80×80,” ayuu yiri.

“Kadib markaan baaritaan ku sameynay qolyaha qaatay mashruuca dhiraynta, waxa ay qodeen nus mitir balacana waxaa ay qodeen 20cm.” ayuu ku daray.

5-tii bishii Janaayo, 2017-ka, haayada Care International ayaa si hoose u soo dhajisay waraaqda codsiga qiima-sheega (request for quotation) ee mashruuca dhiraynta magaalada Garoowe, kaasoo loogu talogalay waddooyinka waa-weyn iyo xarumaha dowladda.

Waraaqda codsiga qiima-sheega ee haayada Care International oo uu ku saxiixanyahay madaxa waaxda Procurement Maxamed Ibraahim Xasan. [Sawirka: Puntland Mirror]
Waraaqda codsiga qiima-sheega ee haayada Care International oo uu ku saxiixanyahay madaxa waaxda Procurement Maxamed Ibraahim Xasan. [Sawirka: Puntland Mirror]

Waraaqda codsiga qiima-sheega ee haayada Care International oo uu ku saxiixanyahay madaxa waaxda Procurement Maxamed Ibraahim Xasan, oo uu arkay Puntland Mirror ayaa tilmaamaysa in cida soo codsanaysa shaqada dhiraynta looga baahanyahay sidan:

  1. Shirkad ka diiwaangashan gudaha Puntland
  2. In uu ka bixi karo shaqada oo dhir beerid lamid ah horey u soo qabtay
  3. Qoraal xisaabeedkii ugu dambeeyay ee bangiga
  4. Qorshe howleed faahfaahsan

Sido kale Waraaqda codsiga qiima-sheega ayaa lagu qeexay sida la rabo in shaqada loo qabto:

  1. Qodida godad afar gees ah oo lagu beerayo dhirta oo ah; 80cm oo lagu dhuftay 80cm iyo hal mitir oo dhulka hoostiisa ah
  2. Ku talogalida iyo isku qaska saalada xoolaha (digada) iyo ciid beereed isku dhig dhan 1:3 siday isugu xigxigaan
  3. Dhismaha derbi bulukeeti ah oo dhan 40cm oo lagu dhuftay 20cm, derbi bir shabaq ah oo ah difaac (cabir dhan 1.2+1.2+1.2=4.8)
  4. Ku talogalida xirida bir shabaq ah oo difaac shabaq ah oo dayr ah abuur walba (qaab afar gees ah oo ah 1.8 mitir dherer ah iyo 0.70 mitir balac ah oo wadata afar lugood iyo 0.20 mitir lagu dhuftay 0.20 mitir oo ah meesha laga furayo marka la waraabinayo)
  5. Soo iibinta abuur dhireed caafimaad qabta oo ku kori karta bii’ada lana qabsan karta cimilada

Waraaqda codsiga qiima-sheega ee barnaamika dhiraytnu maahayn mid ay si baahsan u soo bandhigtay haayada Care, sida uu baaritaanka ku ogaaday warsidaha Puntland Mirror.

Qolo gaar ah ayaa si hoose loo siiyay barnaamijka dhiraynta iyadoo aan si waadax ah oo cadaalad ku jirto loo soo bandigin sidoo kalena aysan waxba kala socon dowladda hoose ee degmada Garoowe, sida ilo-wareeyo ka agdhow haayada Care iyo wasaaradda deegaanka ay u xaqiijiyeen Puntland Mirror.

“Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Deegaanka Puntland iyo saraakiil katirsan haayada Care ayaa qol hoosta ka xirtay kadibna waxa ay siiyeen shirkad gaar ah oo aan la aqoon oo ay iyagu hoos ku wateen,” sidaa waxaa Puntland Mirror u sheegay ilo-wareedka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

Doorashada shirkada ku guulaysatay qandaraaska mashruuca dhiraynta Garoowe

3Shirkada mashruuca la siiyay ayaa loogu yeeray Dhamas Construction and Rehabilitation Company. [Sawirka: Puntland Mirror]
Shirkada mashruuca la siiyay ayaa loogu yeeray Dhamas Construction and Rehabilitation Company. [Sawirka: Puntland Mirror]

Shirkada ku guulaysatay mashruuca dhiraynta ayaa loogu yeeray “Dhamas Construction and Rehabilitation Company”, sida ka muuqata magaca, waa shirkad hadda la sameeyay taasoo aan wailgeed wax shaqo ah oo la xiriirta arrimaha bii’aada aan ka qaban deegaanka, sida Puntland Mirror ku ogaaday baaritaanka.

Puntland Mirror ayaa baaritaankiisa ku ogaaday in shirkada mashruuca la siiyay aysan ahayn shirkad jirta oo ka diiwaangashan gudaha Puntland, kuna shaqo leh dhir beeris.

Sidee loo qabtay shaqada dhir beerida?

Geed aan la gelin derbi difaaceedkii shabaqa ahaa oo loogu talogalay godkana aan loo qodin 1-kii mitir ee hoose oo lagu sheegay waraaqda BOQ. [Sawirka: Puntland Mirror]

Baarayaasha Puntland Mirror ayaa baaritaan ku sameeyay dhammaan meelaha ay Dhamas ka bilowday shaqada oo ay ku jiraan waddooyin iyo xarumo kale oo uu kamidyahay isbitaalka guud ee Garoowe.

Baarayaasha ayaa si rasmi ah u ogaaday in Dhamas aysan u qaban shaqada sidii loogu talogalay ayna hareer martay sidii maalgaliyeyaashu u qorsheeyeen in loo beero dhirta.

Shirkada mashruuca la siiyay ayaa inta badan waxay godadka qodeen nus mitir hoos ah iyo balaca oo ah 20cm oo lagu dhuftay 20cm, halka awal loo qorsheeyay in la qodo god dhan hal mitir oo dhulka hoostiisa ah iyo balaca oo ah 80cm oo lagu dhuftay 80cm oo afar gees ah.

Puntland Mirror ayaa sidoo kale ogaatay in Dhamas dhirta ay beertay aysan gelin derbi difaaceedkii shabaqa ahaa oo loogu talogalay, taasoo khatar weyn ku ah koritaanka geedka.

Dhir lagu beeray gudaha isbitaalka oo aan la gelin derbi difaaceedkii loogu talogalay. [Sawirka: Puntland Mirror]
Dhir lagu beeray gudaha isbitaalka oo aan la gelin derbi difaaceedkii loogu talogalay. [Sawirka: Puntland Mirror]

Dhamas ayaan sidoo kale ku beerin dhirta loogu talogalay in lagu beero jidadka, waxayna taas badalkeeda ay ku beertay dhir gaagaaban sida ubaxa oo kale oo aan lagu beerin jidadka magaalooyinka, kuna habboonayn cimilada bii’adda.

Sidoo kale masaafada ay dhirtu isku jiraan ayaa aad looga kala fogeeyay, si ka duwan sidii horey loo qorsheeyay, sida baarayaasha ka socda Puntland Mirror ay arkeen.  

Aqoon la’aanta iyo khibrad xumada ka dhex muuqata dhir beeristu ma fashilin kartaa shaqada mashruuca?

Khuburada dhir beerista iyo deegaan-dhowreyaashu ayaa aaminsan in mashruucu uu khatar ugu jiro aqoon la’aanta iyo khibrad xumada ka dhex jirta shirkada Dhamas. waxay ku andacoonayaan in habka dhir beerista loo qabto qaab farsamo cilmiyeed oo aan keliya loo baahnayn dhul ku haboon shaqada sida tijaabinta ciida, qodida qoto-dheer iyo balac wanaagsan, balse loo baahanyahay ogaanshaha noocyada dhirta, cimilada iyo xiliyada. Mid kamid ah sababta ay tahay in qoto-dheer iyo balac wanaagsan la qodo waxay la xiriirtaa ku fiicnaan la’aanta ciida adag, gunta hoose ee biyaha iyo dabaylaha cimilada xagaaga.

Ogaanshaha shaqada mashruuca 

Febaraayo, wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo sheegay in wasaaradda ay si rasmi ah u daahfurtay mashruuca dhiraynta Garoowe. [Sawirka: Facebook]
Febaraayo, wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo sheegay in wasaaradda ay si rasmi ah u daahfurtay mashruuca dhiraynta Garoowe. [Xigashada Sawirka: Facebook/Fowsio Mohamed Bangax]

14-kii Febaraayo, wasiirka Wasaaradda Deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi warsame ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad daahfurka mashuurca waxaana ku waheliyay saraakiil katirsan xafiiska Garoowe ee haayada Care International.

Wasaaradda Deegaanka ayaa sheegtay maalintaas in ay daahfurtay mashruuca dhiraynta magaalada Garoowe, balse Puntland Mirror ayaa ogsoon in marka ay wasaaradda daahfurtay mashruuca ay ahayd dhowr maalin kadib markii Dhamas si hoose loo siiyay shaqada ayna gacanta ku haysay shaqada. Wali ma cadda dowrka muuqda oo ay Wasaaradda Deegaanka ku leedahay mashruuca hadday ahaan lahayd howlfulin iyo kormeerka iyo qiimaynta mashruuca.

Maalintii xigtay oo ahayd 15-kii Febaraayo ayay ahayd markii golaha deegaanka degmada Garoowe ay si rasmi ah u sheegeen in mashruuca la musuqmaasuqay.

Maalintaas, xildhibaanada ayaa haayada Care ka codsaday in mashruuca dhiraynta sidii loogu talogalay ay u fuliso.

Febaraayo, wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo sheegay in wasaaradda ay si rasmi ah u daahfurtay mashruuca dhiraynta Garoowe. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Febaraayo, wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo sheegay in wasaaradda ay si rasmi ah u daahfurtay mashruuca dhiraynta Garoowe. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]

“Haayada Care waxaan ka codsanaynaa in ay mashruuca sidii loogu talogalay ay u fuliso,” ayuu yiri Mowliid oo katirsan golaha deegaanka Garoowe.

Arrimaha kale oo aan laga hadlin

Mashruuca ayaan si fiican looga hadlin arrimo aad u muhiim u ah sida isku dhiga quman ee jiritaanka geedaha, dib u badalida dhirta bixi weyda, waraabka iyo daryeelka marka geedka la beero kadib.

Maxay haayada Care International iyo Wasaaradda Deegaanku ka dhaheen eedaha musuqmaasuqa?  

Maxay haayada Care International iyo Wasaaradda Deegaanka Puntland ka yiraahdeen eedaha musuqmaasuqa mashruuca dhiraynta magaalada Garoowe?

Puntland Mirror oo la xiriirtay haayada Care International si ay uga jawaabto musuqmaasuqa ka dhex jira mashruuca dhiraynta magaalada Garoowe. [Sawirka: screen-shot]
Puntland Mirror oo la xiriirtay haayada Care International si ay uga jawaabto musuqmaasuqa ka dhex jira mashruuca dhiraynta magaalada Garoowe. [Sawirka: screen-shot]

Puntland Mirror ayaa xiriir la sameeyay saraakiisha Care International iyo Wasaaradda Deegaanka Puntland ee ku sugan Garoowe si ay uga jawaabaan eedaha musuqmaasuqa ee ku saabsan mashruuca dhiraynta magaalada Garoowe, balse wali jawaab kama aanan helin ilaa iyo wakhtigan oo aan daabacaada sameynay.

Baarayaasha ayaa ku guda jira uruurinta cadaymaha muhiimka ah waxayna fursad siinayaan haayada Care International iyo Wasaaradda Deegaanka Puntland in ay jawaabo ku bixiyaan warbixinada kale ee soo socda.

Gabo gabo

Barnaamijkan dhiraynta Garoowe ayaa qayb ka ah mashruuca “Deegaanku Waa Noloshaada”, kaasoo ah mashruuc soconaya muddo afar sanno ah, waxaana maalgeliyay Midowga Yurub (EU), ujeedkiisuna waxa weeye sidii loo yareyn lahaa cuno la’aanta ka jirta gudaha Puntland, iyadoo loo marayo horumarinta dhul daaqsimeedyada.

Intii lagu guda jiray tobankii sanno oo u dambeeyay, caasimada Puntland ee Garoowe ayaa heshay mashaariic badan oo dhirayn ah, balse dhammaantood waxay ku dhammaadeen fashil, waxaana sabab u ahaa musuq-maasuq daran oo ay sameeyeen cidii howsha fulinaysay iyo cida ay u wakiisheen shaqada.

Soomaaliya ayaa ah dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, sida lagu sheegay warbixin ay dhawaan soo saartay haayada fadhigeedu yahay Berlin ee Transparency International.

Gudaha Puntland, kama jiraan haayado rasmi ah oo si fiican u shaqeeya oo dul-meer ku sameeya cida ku howlan musuq-maasuqa, sidoo kale ma jiraan cid wali loo maxkamadeeyay musuq-maasuq kuwaasoo katirsan dowladda iyo haayadaha kale aan dowliga ahayn oo ay ku jiraan kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya gudaha Puntland.

Ujeedada baaritaanka uu sameeyay warsidaha Puntland Mirror ayaa ah sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa loogana hortagi lahaa kuwa sameynaya ku takrifalka hantida dadka, sida uu sheegay tifaftiraha guud ee Puntland Mirror.

“Sida ka muuqata magacayaga oo ah “Muraayadii Puntland” anaga ujeedkayagu waxa weeye sidii dadkayaga aan ugu soo bandhigi lahayn shakhsiyaadka ku howlan musuq-maasuqa iyo ku takrifalka awooda,” ayuu yiri Cabdi Cumar, tifaftiraha guud ee Puntland Mirror.

“Maanta baaritaanka warbaahinta ayaa mar walba siyaadaya waana mid aad u muhiim ah waajibna ku ah saxaafadda dhammaan caalamka, marka anagu waxaan qodaynaa salka hoose si aan u ogaano cid walba oo si khaldan wax u fulisay.” Ayuu ku daray tifaftiruhu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*