Raysulwasaaraha Soomaaliya oo xilkii ka qaaday saddex wasiir oo katirsan golihiisa wasiiradda

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Xigashada Sawirka: Radio Mogadishu]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Khamiis ah xilkii ka qaaday saddex wasiir oo katirsan golihiisa wasiiradda, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Raysulwasaaraha.

Wasiiradda xilka laga qaaday ayaa kala ah.

1.Mudane Yusuf Garaad Cumar, Wasiirkii Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah.

2. Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha.

3. Mudane Cabdi Faraax Siciid (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta.

Khayre ayaa magacaabay saddex wasiir oo cusub si ay u badalaan kuwa xilka laga qaaday,sida lagu sheegay digreetada.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Waxaa loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,

Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta.

Danjire Axmed Ciise Cawad, Waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*