Deg Deg: Madaxweynaha Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

Erdogan-Somalia

 

 

 

 

 

 

 

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Erdogan ayaa goor dhoweyd maanta oo Jimce ah soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waxaa garoonka Aadan Cade kusoo dhaweeyay Erdogan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo masuuliyin kale oo katirsan dowlada federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Erdogan ayaa lagu wadaa inuu xariga ka jaro safaarada Turkiga uu ka dhistay Muqdisho sidoo kale wuxuu kulan la qaadan doonaa masuuliyiinta Soomaaliya.

Waa markii saddexaad oo uu Erdogan yimaado Gudaha Soomaaliya, sanadkii 2011-ka ayay ahayd markii ugu horeysay oo Erdogan yimaado dalka Soomaaliya xilligaas oo uu ahaa Raysulwasaaraha Turkiga waxaana markaas dalka ka jiray abaaro ba’an oo ka laaftay ilaa iyo 250,000 qof, Turkiga ayaa ahaa wadankii ugu weynaa oo ka qayb qaatay caawimaada abaartaas.

Wixii ka dambeeyay 2011-ka Turkiga wuxuu saaxiib la noqday Soomaaliya isagoo ka fuliyay mashaariic faro badan oo muuqda isagoo sidoo kale u qoondeeyay dowlada Soomaaliya 2 milyan oo uu ku kabayo miisaaniya wadanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*