Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Finland oo lacag dhan 50,000 oo Euro ka celinaysa haayada Finn Church Aid mashruuc ay ka fulisay Soomaaliya

Dhismaha wasaaradda arrimaha dibada Finland. [Sawir Hore]


Helsinki-(Puntland Mirror) Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Finland ayaa qorshaynaysa in ay lacag dhan 50,000 oo Euro ah ay kala laabato haayada Finn Church Aid kadib markii ay cadayn kari weyday sida saxda ah ee lacagta loo isticmaalay, sida ay Khamiistii faafisay wasaaraddu.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay doonayso in lacagta dib loo soo celiyo sababtoo ah macquul ma aysan noqon in la cadeeyo in lacagtaas loo iscticmaalay si waafaqsan go’aanka deeq-bixinta dowladda.

Lacagta ay doodu ka taagantahay ayaa sanadkii 2021 waxaa ku deeqay xarunta dhex-dhexaadinta nabadda ee wasaaradda, waxaana loogu talogalay in kor loogu qaado hanaanka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Haayadda Finn Church Aid ayaa ah tan ugu weyn Finland ee dhanka gargaarka taasoo leh khibrad gaaraysa 70 sanno, sida ku cad mareegteeda internet-ka, waxaa la asaasay sanadkii 1947 kadib dagaalkii labaad.

Wasaaradda ayaa wax isdabo marinta ku ogaatay kadib baaris gudaha ah oo ay samaysay haayadda Finn Church Aid.

Wasaaradda arrimaha dibada ayaa sheegtay in ay baaris madax-banaan ku bilowday haayadda si ay u xaqiijiso in ay jiraan cabir qaadasho jira oo dhammaytsiran si loo adkeeyo hanaanka maamulideeda khataraha.

Dhawaan ayaa Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha abaarta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu haayadaha gargaarka ee ka howlgala Soomaaliya ku eedeeyay musuqmaasuq.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*