Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku dhawaaqay in uu u tartami doono madaxweynenimo

Xasan Cali Khayre. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u tartami doono madaxweynenimo, isagoo la loolami doona madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo afartiisa sanno ee la doortay ay ku egtahay bisha Janaayo 2021.

“Waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.” Khayre ayaa sidaa ku yiri qoraal uu soo dhiggay boggiisa rasmiga ah ee Facebook.

Xasan, oo ahaa agaasimaha Soomaaliya ee shirkada Ingiriiska laga leeyahay ee Soma Oil and Gas ayaa Madaxweyne Farmaajo uu magacaabay Raysulwasaare bishii Maarso 2017.

Ku dhawaaqistiisa ayaa timid bil kadib markii baarlamaanka Soomaaliya ay xilka ka qaadeen golihiisii wasiiradda, iyadoo ilaa iyo hadda aan la magacaabin qofkii badali lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*