Madaxweynaha Soomaaliya oo tagay Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Uganada Yoweri Museveni. [Sawirka: Archive]
Kampala-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa galabta oo Arbaco ah tagay magaalada Kampala ee dalka Uganda kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiiisa dalka Uganda Yoweri Museveni.

Labada hoggaamiye ayaa kulamo qaadan doona inta lagu guda jiro labada maalmood oo uu Farmaajo safarka ku joogo gudaha Uganda si ay uga wada-hadlaan xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo si lamid ah xaalada gobolka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Uganda ayaa waxay Soomaaliya ugu deeqay ciidamo gaaraya 5,000 askari oo kamid ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*