Dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo shuruudo ku xiray wadahadalka Dowladda Dhexe

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo gacmaha is heysta. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa shuruudo ku xiray wadahadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ay soo saareen Jimcaddii ayay ku sheegeen in ay soo dhaweynayaan wadahadal iyo wadaxaajood lagu dhammeeyo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahanyahay dhinac saddexaad dhexdhexaadin ah iyo damaanad qaade ka ahaada shir kasta oo arrimahan looga hadlayo, iyaga oo xusay in shirar hore hore looga hadlay arrimaha hadda keenay khilaafka, balse Dowladda Dhexe ay fulin weyday.

Sidoo kale, waxay bayaankooda ku sheegeen in sababo amni awgeed la isla meel dhigo goobta shirka uu ka dhacayo iyo sugida amnigeeda.

Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay hakiyeen xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Dhexe kadib shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo asbuucii hore.

Kadib go’aankii Dowlad Goboleedyada, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray madaxda sare ee Dowlad Goboleedyada.

Shirka ayaa ka dhici doona Muqdishi 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Villa Soomaaliya asbuucii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*