Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo iclaamiyay wakhtiga ay dhacayaan doorashooyinka dalka

Cabdulaahi
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya, Cumar Cabdulaahi Cabdule.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa iclaamiyay wakhtiga ay dhacayaan doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Cumar Cabdulaahi Cabdule oo shir jaraa’id ku qabtay maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho ayaa sheegay in doorashada xubnaha aqalka sare ay dhacayso 25 September, 2016, sidoo kale doorashada golaha baarlamaanka ayaa dhacaysa 24 September ilaa iyo 10 October, 2016.

Guddoomiye Cumar ayaa sheegay in doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ay dhacayso 25, 2016.

Ugu dambayna doorashada Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhacaysa 30 October, 2016, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federal, Cumar Cabdulaahi Cabdule.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*