Madaxweynihii hore ee Puntland oo ka digay in dastuurka Puntland wax laga badalo

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdirxamaan Maxamed Maxamuud Faroole. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka digay in dastuurka Puntland wax laga badalo.

“Odayaasha halkaan la isugu keenay oo la soo lugooyay wax dastuur ka galay ma jiraan, shaqadiinii waa dhammaatay, xildhibaanaa doorateen baarlamaan baa la yiraahdaa iyagaa xilku saaranyahay Madaxweyne bay doorteen Madaxweynuhu wasiiruu dhistay dib bay u ansixiyeen, idinka shaqadiinii waa dhammaatay,” ayuu yiri Faroole.

“Suga inta idiin hartay oo ah hal sanno iyo bar, doorasho kolay hal qof iyo hal cod lagama gaaree markaas baa la idiin imaanayaa markiina suga, dadka ha wareerinina,” ayuu ku daray.

Hadalka Faroole ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii Garoowe uu ka furmay shir lagu sheegay isimada Puntland iyo beesha Tanade Daarood, taasoo beeshaas ay ku doonayso in wax laga badalo dastuurka Puntland si loogu kordhiyo xubno cusub golaha baarlamaanka.

Sida warsidaha Puntland Mirror fahansanyahay, intooda badan dad weynaha reer Puntland ayaa kasoo horjeeda in wax laga badalo dastuurka, taasoo keenaysa khilaaf hor leh oo ka dhex dhasha beelaha reer Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*