Wasiirka Amniga Puntland oo shacabka ka codsaday in ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan nabadgelyada

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xisri Cali Qarjab. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ugu yeeray dadka Puntland in ay si wadajir ah u la shaqeeyaan dowladda si loo soo afjaro falalka argagixisanimada ah ee gobolka ka jira.

Isaga oo la hadlayay idaacada Radio Daljir, Qarjab ayaa ka codsaday dadka reer Puntland iyo dadka kelaba in ay si wadajir ah u kala shaqeeyaan dowladda nabadgelyada.

“Puntland waa meel nabad ah oo kutaala Soomaaliya, halkaas oo dad badan isugu yimaadeen nabadgelyada awgeed, waxaanu ugu yeerayaa dadka Puntland iyo dadka kaleba in ay si wadajir ah u kala shaqeeyaan dowladda arrimaha nabadgelyada iyo horumarka,” ayuu yiri Qarjab.

“Dadka waajib bay ku tahay in ay la dagaalamaan kuwa doonaya in ay dhibbaatooyin ka dhex sameeyaan deegaankooda.” Ayuu ku daray.

Puntland ayaa ka badbaaday intii badnayd colaadii uu keenay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya, balse sanadihii ugu dambeeyay waxay wajahday dagaal ay la gashay ururo argagixiso ah sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*