Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo Garoowe u yimid la tashi

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo wariyeyaasha kula hadlayay Garoowe maanta oo Axad ah. [Sawirka]
Garowe-(Puntland Mirror) Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta oo Axad ah yimid magaalada Garoowe.

Safarka wasiirka ee Garoowe ayaa ujeedkiisu yahay sidii la tashi ku saabsan hanaanka dib u eegista dastuurka uu ula yeelan lahaa bulshada rayidka Puntland iyo baarlamaanka, sida Xoosh uu u sheegay wariyeyaasha.

Xubno kasocda Guddiga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa ku weheliyay safarka wasiirka ee Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*