Ciidamo booliis Soomaali ah oo tababar ugu soo xirmay Jabuuti

BH0A4776

 

Jabuuti-(Puntland Mirror) Ciidamo katirsan booliiska dowlada federaalka Soomaaliya ayaa tababar ugu soo xirmay wadanka Jabuuti.

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya Janaraal Maxamed Shiikh Xasan Xaamud ayaa ka qaybgalay xaflada tababarka loogu soo xirayay ciidamada, sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa xaflada taliyaha ciidamada booliska wadanka Jabuuti oo dalkiisa uu ugu deeqay tababarka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya oo ka hadlay munaasabada ayaa dalka Jabuuti uga mahadceshay tababarada ay siiso ciidamada booliska Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa doonaysa in ay 25 sanno kadib cagaheeda isku taagto, wallow wali dowlada federaalka ee Muqdisho fadhida ku tiirsantahay 22,000 askari oo kasocda Midowga Afrika.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*