Afar qof oo ku geeriyootay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Dumar nadiifinaya goobta uu qaraxa ka dhacay, March 7, 2019. [Xigashada Sawirka: AFP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Afar qof ayaa geeriyootay sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah.

Gaari qarax laga soo buuxshay ayaa la dhigay meel u dhow makhaayad ka ag dhoweyd barkantarool aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada, sida ay ku warantay wakaalada wararka AFP, oo soo xiganaysa saraakiil booliiska Soomaaliya katirsan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas, sida ay ku warantay warbaahinta afka maleeshiyada ku hadasha ee Al Andalus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*