UK oo u codaysay in ay ka baxaan Midowga Yurub

London-(Puntland Mirror) Dadka boqortooyada Midowday (UK) ayaa ayaa u codeeyay in ay ka baxaan Midowga Yurub kadib afti dadweyne oo taariikhi ah oo dalkaas ka dhacday.

Gudaha dalka Ingiriiska gobolka walba oo ka baxsan caasimada London waxay u codeeyeen in laga baxo. Gobolka ugu badan oo looga codeeyay ka bixida ayaa ahaa West Midlands oo 59.11% u codeeyay ka bixida. Gudaha magaalada London 59.94% waxay u codeeyeen kasii mid ahaanshaha Midowga Yurub.

Madaxda caalamka oo ay kamidyihiin Obama, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, NATO iyo dowladaha barwaaqo sooranka ayaa kulli codsaday “Kasii mid ahaanshaha”, iyagoo sheegay in UK aysan xoog iyo saamayn badan yeelan doonin haddii ay ka baxdo Midowga Yurub.

Natiijada guud ee codadka wadamada ku midoobay UK ayaa ah:

 

[box type=”tick” style=”rounded”]51.9% waxay u codeeyeen ka bixid [/box]

[box type=”tick” style=”rounded”]48.1% waxay u codeeyeen kasii mid ahaansho.[/box]

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*