Milatariga Mareykanka oo sheegay in ay dhammeystireen kala bixista ciidankooda Soomaaliya

Ciidamo Mareykan ah oo ku sugan Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa dhammeystiray kala bixista ciidankiisa Soomaaliya, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika.

Afhayeenka Taliska Mareykanka ee Afrika Kornayl Christopher P. Karns ayaa laanta Af Soomaaliga ee warbaahinta u xaqiijiyay in ka bixista ciidanka ay dhammaatay iyadoo lagu dhowyahay wakhtigii kama dambeysta ahaa ee digreetada Madaxweyne Donald Trump uu soo saaray bishii December 2019 taasoo faraysay in bartamaha bisha Janaayo 2021 laga saaro dhammaan ciidamada Mareykanka gudaha Soomaaloya.

Saraakiisha milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ciidanka intooda badan loo wareejin doono saldhigyo kuyaala Geeska Afrika.

Ku dhawaad 700 askari oo Mareykan ah ayaa ku sugnaa gudaha Soomaaliya kuwaasoo ciidamada Soomaaliya ka caawinayay tababarada iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyooyinka argagixisada sida Al-Shabaab iyo ISIS.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*