Ciidamada booliiska Soomaaliya oo qabtay keyd hub oo Al-Shabaab ku lahayd duleedka Muqdisho

Hubka laga soo saaray godka kuyaala Ceelasha Biyaha. [Isha Sawirka: Screenshot/SNTV]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa qabtay keyd hub oo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Muqdisho.

Saraakiisha ciidamada booliiska ayaa sheegay in keydka hubka laga helay god kuyaala deegaanka Ceelasha Biyaha, oo kuyaala duleedka Muqdisho.

“Maanta taariikhdu tahay 6-da bisha April 2019, ciidamada ammaanku waxay deegaanka Ceelasha Biyaha ku soo qabteen hub aad u faro badan oo isugu jira suumanka qarxa, rasaas, bumbooyin, miinooyin, maadooyinka qaraxyada laga sameeyo, hub fudud iyo mid culusba.” Sidaa waxaa shir jaraaid ku sheegtay Sakiya Xuseen Axmed oo ah taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya.

“Hubkan aadka u farobadan wuxuu ku aasnaa god aad u weyn oo dhulka hoostiisa ah, waxaa lagu qiyaasayaa in uu ahaa keydka ugu weynaa ee hubeed ee argagixisada Al-Shabaab ee ka howlgasha Muqdisho iyo nawaaxigeeda,” ayay ku sii dartay.

Maalmihii u dambeeyay, ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalada amniga kadib qaraxyo taxane ahaa oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ka fulisay gudaha Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*