Odayaasha dhaqanka Nugaal oo ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya miyiga u dhaxeeya Nugaal-Sool in ay joojiyaan dagaalka

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka hadlayay kulanka odayaasha dhaqanka Nugaal. [Isha Sawirka: Maamulka Gobolka Nugaal]
Garoowe-(Puntland Mirror) Odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal ayaa maanta oo Khamiis ah shir ku yeeshay Garoowe, iyagoo ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya miyiga u dhaxeeya gobolada Nugaal iyo Sool in ay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka.

Islaan Ciise Islaan Muuse oo shir-guddoominayay ayaa odayaasha dhaqanka labada dhinacba ka codsaday in dagaal dambe uusan dhicin, lana kala qaado maleeshiyooyinka.

Asbuucyadii u dambeeyay, colaad labo maleeshiyo beeleed ku dhexmartay deegaan daaqsimeedka Saax-maygaag iyo Sangajabiye oo kuyaala xadka Nugaal iyo Sool ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinacba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*