Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya

wp
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidoo kale loo yaqaan “Farmaajo” waxa uu ku dhashay Muqdisho sanadkii 1962-dii. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u doortay madaxweynaha cusub ee dalka, sida ay sheegayso natiijada rasmiga ah ee doorashada.

Farmaajo ayaa helay 184 cod, halka musharixii ugu dhowaa Xasan Shiikh Maxamuud uu helay 97 cod inta lagu guda jiray wareegii labaad ee cod bixinta.

Madaxweynaha xilka ka degaya ayaa aqbalay natiijada doorashada.

Ku dhawaad 329 xildhibaan oo ka socda labada aqal ee kan hoose iyo midka sare ayaa doortay madaxweynaha cusub.

Cod-bixinta ayaa ka dhacday goobta Afisyoone oo kutaala garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Adan Cade oo kuyaala caasimada, Muqdisho.

Ugu yaraan 20 musharax oo uu kamidyahay madaxweynaha xukunka ka degaya ayaa ku loolamay doorashada.

Madaxweynaha cusub ayaa xafiiska loo dhaarshay isla-markiiba kadib natiijada.

Farmaajo ayaa xafiiska hayn doona muddo afar sanno ah, munaasabada caleemosaarka ayaa dhici doonta maalmaha soo aadan.

Waa kuma Farmaajo?

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidoo kale loo yaqaan “Farmaajo” waxa uu ku dhashay Muqdisho sanadkii 1962-dii.

Intii u dhaxaysay 1989-kii ilaa iyo 1993-dii, waxa uu dhammeeyay digreeka kowaad oo uu ku diyaariyay taariikhda isaga oo dhigtay jaamacada Buffalo. 2009-kii waxaa uu heerka labaad ee jaamacada ku diyaariyay culuumta siyaasaddda isaga oo ka dhigtay isla jaamacadii Buffalo.

14-kii Oktoobar, 2010-kii, Farmaajo waxaa loo doortay Raysulwasaaraha Soomaaliya xilligii maamulkii Shariif Shiikh Axmed.

Bilowgii sanadkii 2012-kii, waxa uu asaasay xisbiga siyaasadda Tayo.

Mr Farmaajo waxa uu kasoo jeedaa mid kamid ah qabiilooyinka waa-weyn ee Soomaaliya, Daarood.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*