Beesha caalamka oo madaxweynaha Jubbaland ka codsatay in fursad la siiyo musharixiinta mucaaradka si ay isku diiwaangeliyaan

Kulanka madaxweynaha Jubbaland iyo beesha caalamka, Agoosto 15, 2019. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Wefdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta oo Khamiis ah tagay magaalada Kismaayo.

Wefdiga ayaa waxaa kamid ahaa urur goboleeda IGAD, safiirka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya iyo taliyaha guud ee ciidamada AMISOM.

Waxay xarunta madaxtooyada kulan kula yeesheen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaan Axmed Madoobe.

Kulanka ayaa looga wada-xaajooday hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon lahayd mid xaal iyo xor ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jubbaland.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa madaxweynaha Jubbaland ka codsaday in fursad la siiyo musharixiinta mucaaradka ah si ay isku diiwaangeliyaan ayna uga qeyb galaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xiray musharixiinta u loolamaya xilka madaxweynaha, war-saxaafadeed ayaa sidaas lagu sheegay.

Balse madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xubnaha ka socday beesha caalamka u sheegay in uusan isagu sharciyad u lahayn wax ka badalka jadwalka doorashada ayna u taalo guddiga doorashada.

“Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka doorashooyinka Jubbaland.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

19-ka bishaan Agoosto ayay dhici doontaa doorashada madaxweynaha Jubbaland, sida uu muujinayo jadwalka ay sii daayeen guddiga doorashooyinka Jubbaland Arbacadii.

Isla asbuucaan ayaa waxaa la soo dhisay lana dhaariyay baarlamaanka cusub ee Jubbaland kuwaasoo Sabtida soo socota dooran doona guddoomiye, sida lagu sheegay jadwalka doorashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*