Shan askari oo lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaala Awdhiigle

Dagaalyahanada Al-Shabaab. [sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan shan askari iyo sawirqaade ka ag-dhawaa ciidamada lagu dilay weerar maanta oo Arbaco ah ay maleeshiyada Al-Shabaab la beegsadeen saldhig ciidan oo kuyaala magaalada Awdhiigle taasoo dhanka koonfur-galbeed kaga beegan caasimada Muqdisho.

Janaraal Yuusuf Raage, oo ah taliyaha ciidanka lugta ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamadu ay iska caabiyeen weerarka ka dhacay Awdhiigle, oo ah magaalo beereed ay dhawaan qabsadeen ciidamada Soomaaliya.

Sideed katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, wararka ayaa intaas ku daray.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka kaasoo ku bilaabmay gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa.

Dadka deegaanka ayaa wakaalada wararka AP u sheegay in ay maqlayeen dhawaaq qaraxa iyo rasaasta qoryaha oo la socotay ku dhawaad saacad.

Magaalada ayaa weli ku jirta gacanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiishu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*