Soomaaliya oo doorashada madaxweynaha qaban doonta 15 May

Doorasho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa doorashada madaxweynaha qaban doonta 15 May, sida ay sheegeen guddi baarlamaan oo agaasimaya doorashada.

Doorashada, oo markii hore ayahyd in ay dhacdo bishii Febaraayo 2021, ayaa dib dib u dhacday sababo la xiriira khilaaf u dhaxeeyay masuuliyiinta sare ee dowladda.

Bishii hore ayay ahayd markii xildhibaanada loo dhaariyay xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka oo ka kooban 275 xubnood iyo 54 kursi oo aqalka sare ah. Labada gole ayaa si wada jir ah u codeyn doona madaxweynaha cusub ee dalka hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.

Tobaneeyo musharax oo ay kamidyihiin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda xilka haya, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo hoggaamiyaha maamul goboleedka Puntland ee qaniga ku ah Saliidda Soomaaliya, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Geeska Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*