Ethiopian Airline oo ka fakaraysa in ay bilowdo duulimaadyo u dhaxeeya Puntland iyo Addis Ababa

Madaxweynaha Puntland oo masuuliiyiinta Ethiopian Airline kula kulmay Addis Ababa, June 12, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Diyaarada Ethiopian Airline ayaa ka fakaraysa in ay bilowdo duulimaadyo u dhaxeeya Puntland iyo Addis Ababa.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay masuuliyiinta sare ee Ethiopian Airline, sida lagu sheegay war-saxaafadeed Arbacadii kasoo baxay madaxtooyada.

“Kulanka ayaa looga wada-hadlay sidii shirkadda duulimaadyada caalamiga ah ee Itoobiya Puntland uga hirgelin-lahayd duulimaadyo joogto ah, kuwaas oo xoojinaya, qaybna ka noqonaya xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Itoobiya iyo Iskuxirka Puntland iyo caalamka kale.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland ay leedahay garoomo diyaaradeed oo caalami ah, kuwaasi oo buuxinaya shuruudaha diyaaraddaha nooc walba oo ay yihiin, wuxuu cadeeyey inay Puntland diyaar u tahay waxkasta oo lagu suurta gelinayo hirgelinta duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airline.”

Masuuliyiinta Ethiopian Airline ayaa soo dhaweeyay in ay bilaabaan duulimaadyo isku xiraya Puntland iyo Ethiopia, waxayna magacaabeen guddi farsamo oo dhawaan imaan doona Garoowe si ay u ugu kuur galaan habka shaqo ee garoonka diyaaradaha, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*