Ciidamada PSF oo weerar argagixiso ku fashiliyay gudaha Boosaaso

Gaariga ay ciidanku qabteen ayaa ah Toyota Probox. [Isha Sawirka: Facebook]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada difaaca Puntland ee PSF ayaa maanta oo Sabti ah weerar argagixiso ku fashiliyay gudaha magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayaa dilay nin hubeysan halka sidoo kale ay gacanta ku dhigeen mid kale kadib markii koox hubeysan oo loo maleynayo in ay katirsanyihiin maleeshiyada ISIS ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan ciidamada oo ku sugnaa suuq kuyaala magaalada Boosaaso.

Gaari noociisu yahay Toyota Probox oo ay wateen kooxda ayaa sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen, sida lagu arkay sawiro lagu shaaciyay baraha bulshada.

Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay weeraro ka dhan ah masuuliyiinta dowladda, ciidamada, iyo ganacstada. Kooxaha argagixisad ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ama ISIS ayaa ku dhuumanaya deegaano miyi ah oo kuyaala gobolka Bari. Labadan koox ayaa horey u sheegtay masuuliyada weeraro ka dhacay magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*