Bangiga cusub ee Iftin oo laga furay caasimada Puntland

Iftin bank
Dhismaha bangiga Iftin ee Garoowe.

Garoowe-(Puntland Mirror) Bankiga Iftin ayaa xarun weyn ka furtay caasimada Puntland, Garoowe maanta oo Arbaco ah.

Xaflada furitaanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, wasiiro, xildhibaano iyo ganacsado.

Madaxweynaha Puntland ayaa si rasmiya xariga uga jaray dhismaha cusub ee bangiga Iftin.

Cabdiweli
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay xaflada furitaanka bangiga cusub ee Iftin, Garoowe.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa ku tilmaamay in bangiga cusub ee Iftin uu shaqo abuuris u samayn doono dhalinyarada waxbartay ee reer Puntland.

Cabdiweli ayaa ku booriyay maamulka bangiga Iftin in ay soo kordhiyaan adeegyo dheeraad ah oo dalka looga baahanyahay iyo in ay xiriir la yeeshaan bangiyada caalamiga ah.

Puntland iyo gobolada kale ee Soomaaliya wali kama jiro bangi caalami ah oo la shaqyn kara bangiyada caalamka, dhamaan xawaaladaha iyo bangiyada dalka ka jira waxa ay akoomo gaar ah ku leeyihiin bangiyo ajnabi .

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*