Xubno ka socda guddiga doorashooyinka Puntland oo Nairobi kulan kula yeeshay masuuliyiin katirsan beesha caalamka

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Bare oo khudbad u jeedinaya xubnaha beesha caalamka, Nairobi. Nov 18, 2019. [Isha Sawirka: Puntland TPEC]
Nairobi-(Puntland Mirror) Xubno ka socda guddiga doorashooyinka Puntland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Guuleed Saalax Bare ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Nairobi kulan kula yeeshay masuuliyiin katirsan beesha caalamka.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii beesha caalamka ay Puntland uga taageeri lahaayeen hirgalinta nidaamka xisbiyada badan iyo doorasho hal qof iyo hal cod ah, sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay bogga  guddiga doorashooyinka Puntland.

Haayadaha ka socda beesha caalamka ee kulanka ka qeybgalay ayaa waxaa kamid ahaa USAID, EU, DFID, Sweden, Switzerland, Germany, Denmark, SSF, InterPeace iyo SAHAN.

Sabtidii, ayaa baarlamaanka Puntland meelmariyeen guddiga doorashooyinka Puntland oo ka kooban sagaal xubnood kuwaasoo bishii Agoosto ee sanadkan ay soo magacaabeen madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*