RW Sharmaake oo Maxamed Aadan Jimcaale u magacaabay agaasimaha cusub ee laanta socdaalka Soomaaliya

Maxamed Aadan Jimcaale
Agaasimaha cusub ee laanta socdaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa u magacaabay Maxamed Aadan Jimcaale agaasimaha cusub ee laanta socdaalka Soomaaliya.

Aadan ayaa badali doona Janaraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud kaasoo bishii lasoo dhaafay loo magacaabay agaasimaha cusub ee haayada nabadsugida qaranka ee NISA.

Agaasimaha cusub ee laanta socdaalka ayaa horey u ahaa madaxa amniga ee gobolka Banaadir.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*