Madaxweynaha dowlada Puntland oo ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay sanadguurada 56-aad ee maalinta xornimada

IMG_8107
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali oo saxaafada kula hadlayay Gaalkacyo.

 

Gaalkacyo-(Puntand Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay sanadguurada 56-aad ee madaxbanaanida dalka.

Madaxweynaha oo hadda ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa tilmaamay maanta in ay tahay maalin ku weyn shacab weynaha Soomaaliyeed, maadaaba ay tahay maalintii dadka Soomaaliyeed ay heleen xorriyada iyo gobanimada.

“Waxaan rabaa maanta in aan halkaan uga dirodadweynaha Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan gaar ahaan dadweynaha reer Puntland hambalyada sannad guurada 56-aad ee ka soo wareegtey maalinta 1-da Luulyo oo ah  maalintii gobollada koonfureed ee dalku ay qaateen xorriyaddooda ayna midoobeen  woqooyiga iyo Koonfurta dalku” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Ugu dambeyn Madaxweyne  Cabdiweli Maxamed Cali  waxa uu  Eebbe ugu baryey in uu ummadda Soomaaliyeed sannadkaan sannadkiisa ku gaadhsiiyo barwaaqo, horumar iyo dawladnimo taam ah.

Kowda Luulyo sanadkii 1960, ayaa gobolada Soomaaliyeed ee koonfurta waxay xoriyadooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, waxaana midoobay koonfurta iyo waqooyiga oo Iyana xoriyadooda ka qaatay 26-dii Juun 1960 gumeystihii Ingiriiska.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*