Madaxweynaha Puntland: Cadaado kaliya maahan, meesha laga soo duulay waa Xamar

gaas-5
Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Isniin ah tagay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Boosaaso maamulka gobolka Bari iyo maamulka degmada Boosaaso.

Soo dhaweynta kadib madaxweynaha ayaa saxaafada maxaliga ah kula hadlay halkaas.

Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku eedeeyay dagaalka Gaalkacyo ka socda in ay hurinayso dowlada federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

“Haddaan soo laabtay dabcan dalka xaalad adag buu ku jiraa, waad la socotaan Gaalkacyo waxaa laga wadaa dagaalo, meesha laga soo duulay Cadaado kaliya maahan, meesha laga soo duulay waa Xamar, waxa soo duulaya oo shidadaas wada oo runtii qayb weyn oo mug weyn ku leh waa dowlada federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa dadka reer Puntland u sheegay in ay u diyaargaroobaan difaaca dalkooda ayna xajistaan nabadgalyadooda.

“Dadka Puntland waxaan u sheegayaa in ay u diyaargaroobaan difaaca dalkooda ayna xajistaan nabadgalyadooda wixii dhexdooda ka jirana ay dhamystaan si nabadgalyo ah si ma taqaanaa cadowgaas kusoo duulay dalkooda duulaanka ku ah meel looga soo wada jeesto.” Ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay tobonaan kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalo xoog leh oo duleedka magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamada dowlada Puntland iyo maleeshiyada maamulka Galmudug intii lagu guda jiray asbuucyadii lasoo dhaafay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*