Midowga Yurub iyo Soomaaliya oo saxiixday heshiis €100 million oo taageero miisaaniyadeed ah

Heshiiska ayaa maanta oo Axad ah lagu saxiixay gudaha Muqdisho. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Midowga Yurub iyo Soomaaliya ayaa maanta saxiixday heshiis €100 million oo taageero miisaaniyadeed ah lagu siinayo Soomaaliya labada sanno iyo barka soo socda.

Maaliyadaan ayaa lagu taageeri doonaa dib u habeynta Dowladda Federaalka si loo dhiso dowlad goboleedyo mideysan.

Guddoomiyaha Midowga Yurub ee iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah Neven Mimica ayaa sheegay: “taageerada miisaaniyadeed waxay muujineysaa sida Midowga Yurub ugu kalsoontahay haayadaha Soomaaaliya. Waxay dowladda siineysaa dakhli si ay kor ugu qaado dib u habeynta iyo dhismaha dowlad xoogan oo awooda in ay bixiso adeegyada daruuriga ah ee dadku u baahanyihiin.”

Heshiiska ayaa maanta oo Axad ah lagu saxiixay gudaha Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*