Xubnihii ugu horeeyay aqalka sare ee DFS oo lagu doortay Jubbaland

Cabdullaahi Shiikh Ismaacill Fartaag oo markale dib loogu doortay aqalka sare. [Isha Sawirka: Facebook]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Afar xubnood oo katirsan xildhibaanada Jubbaland u matalaya aqalka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah lagu doortay magaalada Kismaayo.

Xubnaha la doortay ayaa waxaa kamid ah Cabdullaahi Shiikh Ismaacill Fartaag oo horey u soo noqday madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland, afartii sanno ee u dambeysayna ahaa xildhibaan aqalka sare kaasoo maanta markale la doortay.

Jubbaland ayaa noqonaysa dowlad goboleedkii ugu horeysay ee doorata qaar katirsan xubnaha u matalaya aqalka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa u hambalyeeyay xubnaha cusub ee aqalka sare ee la doortay.

“Waxaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay aqalka sare eebBaarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo Jubalandba lagu soo doorto doorashadan afartii sanaba mar dalkeena laga qabto,” sidaa ayu uku yiri qoraal uu soo dhiggay boggiisa Facebook-ka.

Waxa uu ku sii daray: “Waxay tani ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, iyadoo qeybaha kale ee dhimana aan ku rajo weyn nahay inay xilliga ugu dhow qabsoomaan.”

Doorashada xubnaha labada aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in ay soo gabogabowdo bilaha soo socda, kadibna doorashada madaxweynaha ay dhacdo dabayaaqada sanadkan 2021.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*