Mareykanka oo ugu hanjabay Dowladda Federaalka Soomaaliya in uu saari doono cunoqabatayn haddii la fuliyo muddo kororsiga

Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Antony Blinken. [Sawir Hore]
Washington-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa sheegay in ay si aad ah uga niyadjabeen go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ay muddo labbo sanno ah ugu kordhiyeen madaxweynaha iyo xildhibaanada golaha baarlamaanka, sida uu war-saxaafadeed ku sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Antony Blinken.

“Fulinta hindise-sharciyeedkan waxa uu khatar daran iyo caqabado ku keenayaa wadahadalada waxaana uu wiiqayaa nabada iyo ammaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Blinken.

“Waxay khasbaysaa Mareykanka in ay dib u qiimeeyaan xiriirkeena aanu leenahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay kamidtahay diblomaasiyada iyo caawinta, iyo in in la tixgeliyo wax walba oo la samayn karo, sida cunoqabatayno iyo xayiraad fiisaha, si looga jawaabo dadaalada wiiqaya nabada iyo xasiloonida,” ayuu yiri.

Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa sidoo kale war-saxaafadeed wadajir ah ku sheegay in aysan aqbali doonin muddo kororsi.

Xaalada Soomaaliya ayaa sii xumaanysa kadib khilaaf ka dhashay doorashooyinka iyadoo wakhtigii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo haayadaha dowladda uu dhammaaday.

Wadahadalii u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah oo Muqdisho ka socday ayaa fashilmay asbuucii hore, taasoo keentay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo muddo bil ah wadahadalo u joogay Muqdisho ay shalay ka tagaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*