Maamulka Koonfur Galbeed oo tageero u fidinaya Mukhtaar Roobow oo dagaal kula jira Al-Shabaab

Mukhtaar Roobow Abu Mansuur. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa in ay tageero u fidinayaan dagaalyahanada Mukhtaar Roobow oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Masuuliyiin katirsan Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in hub iyo ciidamo xoojin ah ay u direen deegaanka Abaal ee gobolka Bakool oo ay isku hor fadhiyaan dagaalyahanada Roobow iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore Arbacadii weerar ku qaaday dagaalyahanada Roobow, waxaana dagaalkaas ku dhimatay ilaa 19 qof oo ka kala tirsan labada dhinac.

Bishii lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa bilowday ugaarsiga si ay u dilaan ama u qabtaan Mukhtaar Roobow Abu Mansuur kadib markii dhawaan Mareykanku uu ka saaray liiska argagixisada.

Abu Mansuur oo horey u soo noqday hoggaamiye ku xigeenka iyo afhayeenka kooxda ayaa tan iyo sanadkii 2013-kii ku dhuumanayay deegaano kuyaala gobolada Bay iyo Bakool halkaas oo uu asal ahaan ka soo jeedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*