Xisbiga Jamhuuriga oo Donald Trump u doortay musharaxa madaxweynaha Maraykanka

Donald Trump
Donald Trump, musharaxa Madaxweynaha Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga. Sawirka: gettyimages/bloomberg.

Maalqabeenka Maraykanka ah Donald Trump ayaa xaqiijistay magacaabida xisbiga Jamhuuriga ee musharaxa Madaxweynaha Maraykanka kadib bilo uu olole adag soo galay.

Xisbiga Jamhuuriga oo shir weyne ku yeeshay magaalada Cleveland ee gobolka Ohio ayaa kalsooni buuxda siiyay Donald Trump kadib markii uu helay taageerada inta badan wefdiyadii gobolada ee ka qayb gashay shir weynaha xisbiga.

Donald Trump ayaa boogaadiyay kalsoonida uu ka helay xisbigiisa Jamhuuriga.

“Waa arrin aanan iloobi doonin…. Si wadajir ah ayaynu ugu guulaysan natiijadaas taariikhiga ah ee codaynta xisbiga Jamhuuriga ah…. Tani waa tilaabo horey loo qaaday, laakiin waa in aynu dhamaanteen hal jiho u soconaa.” Ayuu yiri Donald Trump.

Donald Trump wuxuu intaas ku daray inuu kalsooni ku qabo inuu ku guulaysan doono doorashada madaxtinimada Maraykanka isla markaasna uu isbadal samayn doona.

Doorashada madaxtinimada Maraykanka ayaa dhici doonta 8-da November ee sanadkan 2016-ka, waxaana ku tartami doona haweenayda kasocota xisbiga Dimuqraadiga ee Hillary Clinton iyo Donald Trump oo ah xisbiga Jamhuuriga.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*