Ugu yaraan 30 qof oo ku geeriyootay weerar ay dablay katirsan ISIS ku qaadeen isbitaal milatari oo kuyaala gudaha caasimada Afghanistan ee Kabul

Dablay weerartay isbitaal milatari oo kuyaala magaalada Kabul ee Afghanistan. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Ciidamada Kumaandooska Afghanistan oo dilay afartii weeraryahan oo weerartay dhismaha isbitaalka. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Kabul-(Puntland Mirror) In ka badan 30 qof ayaa la dilay kadib markii weeraryahano u labisan sida dhakhaatiirta ay weerar ku qaadeen maanta oo Arbaco ah isbitaalka milatari ee ugu weyn gudaha caasimada dalka Afhanistan ee Kabul, sida ay sheegeen saraakiishu.

Maleeshiyada oo wadatay qoryo iyo bumbooyin ayaa albaabka hore ee isbitaalka qarax la eegtay kadibna waxay rasaas ku fureen shaqaalihii iyo bukaankii jiifay isbitaalka.

Ciidamada Kumaandooska Afghanistan ayaa markii dambe dilay dhammaan weeraryahanadii oo gaarayay afar kadib saacado badan oo ay socdeen dagaal u dhaxeeya weeraryahanada iyo ciidamada.

Ururka hubaysan ee ISIS ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas.

Ururka kale ee ka dagaalama dalka Afghanistan ee Talibaan ayaa iska fogeeyay in ay wax lug ah ku leeyihiin weerarkaas.

In ka badan 50 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacantay weerarka sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga dalkaasi.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay kuwa weerarkaas geystay in ay burburiyeen dhammaan qiimaha bini’aadamka sababtoo ah waxa ay weerareen goob caafimaad.

ISIS oo ka dagaalanta Bariga Dhexe ayaa sanadkii 2015-kii iclaamisay in ay garab ciidan ka samaysatay gudaha dalka Afghanistan, tan iyo intaas wixii ka dambeeyay waxay gudaha dalkaasi ka geysatay weeraro badan oo dhiig ku daatay.

Waxay masuuliyadiisa sheegatay weerar lagu qaaday Maxkamada Sare ee gudaha Kabul bishii lasoo dhaafay, kaasoo lagu dilay ku dhawaad 22 qof.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*