Dad gaaraya 20 qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday baar lagu caweeyo oo ku yaala Maraykanka

Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay baar lagu caweeyo oo ku yaala magaalada Orlando ee gobolka Florida, Maraykanka, gelinkii hore ee maanta oo Axada, waxaana lagu dilay dad gaaraya 20 qof waxaana ku dhaawacmay 42 qof oo kale toogashadaas, haayadaha ayaa ku sifeeyay weerar argagixiso oo gudaha ah.

Xabadaha qoriga ayaa ka bilaabmatay baar ragga isku tagga oo lagu magacaabo Pulse, sida ay booliiska sheegeen. Ninka hubaysan ayaa dad afduubasho ugu qabsaday waxaana looga shakisanyahay inuu weerarka u adeegsaday qori gacmeed, taliyaha booliiska John Mina ayaa subaxnimadii hore ku sheegay shir taleefishinka laga sii daayay. Ninka hubaysan, kaasoo haayadaha sheegeen inuusan goobta ku sugnayn ayaa waxaa toogtay booliska.

 

Xigasho: Bloomberg News

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*