Turkiga oo 15,000 oo shaqaale waxbarasho ah shaqada ka joojiyay kadib inqilaabkii fashilmay

teacher
Macalin Turki ah oo arday cashar u sharaxaya fasal gudihiis.

Ankara-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa mamnuucay 15,000 oo shaqaale waxbarasho ah kadib inqilaabkii fashilmay asbuucii lasoo dhaafay.

Wasaarada waxbarashada Turkiga ayaa ku eedaysay in ay xiriir la leeyihiin wadaadka fadhigiisu yahay Maraykanka  Fethullah Gulen oo Turkiga aaminsanyahay inuu abaabulay inqilaabkii fashilmay.

Raysulwasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa wacad ku maray in ay qaadayaan ficil ka dhan ah taageerayaasha Fethullah Gulen.

“Waan ka xumahay, laakiin ururkan argagixisada ah kama sii jiri doono dalna,” RW turkiga ayaa sidaa yiri.

Dhanka kale, dowlada Turkiga ayaa dhawaan dowlada Soomaaliya ku amartay in ay dalka ay ka saarto haayada Nile Academy oo lala xiriiriyo in ay leeyihiin taageerayaasha Fethullah Gulen.

Boqolaal arday Soomaali ah ayay saamayn ku yeelatay kuwaasoo ku sugan Turkiga iyo Muqdisho oo ay waxbarashadooda gacanta ku haysay haayada Nile academy.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*