Xisbiga talada haya Zimbabwe ee Zanu-PF oo ceyrshay hoggaamiyahoodii Robert Mugabe

Sawirka: Madaxweyne Robert Mugabe.

Harare-(Puntland Mirror) Xisbiga talada haya Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa si weyn isugu raacay in xilka hoggaaminta xisbiga laga qaado Madaxweyne Robert Mugabe, taasoo muujinaysa in uu dhammaaday xukunkiisii mudada badan ahaa.

Zanu-PF ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore Emmerson Mnangagwa u doortay in uu badalo Mugabe.

Mnangagwa ayaa labo asbuuc kahor waxaa xilka ka qaaday Mugabe.

Xisbiga ayaa Mugabe u qabtay ilaa Isniinta in uu iska casilo madaxweynenimada, ama uu wajihi doono ceyrin.

Asbuucii lasoo dhaafay, milatariga Zimbabwe ayaa la wareegay talada dalka, iyaga oo Mugabe ka dhigay xabsi guri, xaaskiisa oo awood badan ku lahayd talada dalka iyo dhowr wasiiro ah ayaa iyana sidoo kale xabsi guri ku jira.

Milatariga ayaa markii ay xilka la wareegeen sheegay in ay bartilmaameedsanayaan dad ku dhow Mugabe kuwaasoo lagu eedeeyay tabashooyinka dadweyne iyo mida dhaqaale ee dalkaas ka jirta.

Xaaska Mugabe ee Grace, taasoo awood badan ku lahayd talada dalka ayaa iyana laga ceyrshay xisbiga.

Boqolaal shacab ah ayaa shalay oo Sabti ahayd isugu soo baxay waddooyinka caasmada Harare, iyaga oo kasoo horjeeda Mugabe.

Mugabe oo 93-sanno jir ah, ayaa awooda dalka haystay tan iyo markii ay xornimadooda ka qaateen UK sanadkii 1980.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*