
Boqolaal qof oo ka kala socda labada dal ayaa xabadka is-gashay iyada oo ay munaasabada hormuud u ahaayeen hoggaamiyaasha labada dal.
Waxay ahayd calaamadihii ugu dambeeyay ee dib u heshiisiinta labada dal oo horey u ahaa cadow.
Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eriteeriya Isaias Afwerki ayaa wada saxiixday heshiiska nabada bishii lasoo dhaafay ee July, kaasoo dib u soo celiyay xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal.
Dib u furista ayaa timid sanadka cusub ee Itoobiya oo hadda loo dabaaldegayo.
Dagaalka dhexmaray labada dal ayaa bilaabmay bishii May ee sanadkii 1998, waxaana ku naf waayay kumanaan qof.
Dib u furista Bure waxaay Itoobiya oo aan bad lahayn u fududeyn badda. Deegaan kale oo xadka kuyaala oo u dhow magaalada kutaala xadka Itoobiya ee Zalambessa ayaa sidoo kale la furay.