Donald Trump oo sheegay in ilaalada Hillary Clinton ay hubka dhigaan

Donald Trump
Murashaxa madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga, Donald Tump. Sawirka: Bloomberg.

Washington-(Puntland Mirror) Murashaxa madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump ayaa wajahaya cambaarayn kadib markii u soo jeediyay mar labaad wax u muuqda khaarajinta haweenayda la tartamaysa ee Hillary Clinton oo murashax madaxweynaha u ah xisbiga Dimuqraadiga.

Mr Trump ayaa soo jeediyay in ilaalada Hillary Clinton ay dhigaan hubkooda dabadeedna hala arkee waxa iyada ku dhaca.

Isaga oo ka hadlayay isku-soo-bax ka dhacay Miami shalay oo Jimce ahayd, murashaxa Jamhuuriga ayaa si caadi ah u yiri: “Waxaan u malayn wardiyeyaasheeda in ay hubka dhigaan. Waa in ay hubka iska dhigaan, hadda,”.

“Hubka ha laga qaado waxay dooneysaa (Hillary) in ay idnka hubka dastuurku idiin oggol yahay idin ka qaado iyaduna ay haysato oo isku ilaaliso, bal hubka iyada halaga qaado waxaa imaanaya khatar aad u weyn markaas,” ayuu yiri Trump.

Hillary Clinton ayaa ku baaqday in la adkeeyo kantaroolka hubka. Xisbiga Dimuqraadiga oo ay Hillary kamidtahay ayaa dhowr jeer isku dayay in hubka shacabka gacantiisa ku jira la xakameeyo, balse Jamhuuriga ayaa kasoo horjeestay.

Maraykanka ayaa sharci ahaan loo ogolyahay dadka shacabka ah in ay ku haystaan guryahooda hubka fudud sida qoryaha iyo baastooladaha.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*