Ciidamada Ciraaq oo la wareegay degmadii kowaad ee kutaala galbeedka magaalada Mowsil

Ciidamada Ciraaq oo la wareegay degmadii kowaad ee kutaala galbeedka magaalada Mowsil. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Ciidamada Ciraaq oo la wareegay degmadii kowaad ee kutaala galbeedka magaalada Mowsil. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
London-(Puntland Mirror) Ciidamada dalka Ciraaq ayaa maanta oo Khamiis ah gacanta ku dhigay degmada Al-Maamoun ee kutaala koonfurta-galbeed ee magaalada Mowsil, sida ilo-wareedyo ciidamada ah ay u xaqiijiyeen wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

“Ciidamada waxay si buuxda uga xoreeyeen ururka Daacish degmo kutaala dhanka galbeed ee Mowsil,” sidaa waxaa wakaalada wararka Anadolu u xaqiijiyay kornayl Abdel Salam al-Jubouri.

Ciiamada ayaa sidoo kale maanta la wareegay garoonka diyaaradaha Mowsil oo kuyaala koonfurta magaalada, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo ciidamada ah.

“Ciidamadayadu waxaa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan garoonka diyaaradaha, waxaana ammaankooda sugaynaa terminaalka iyo run-wayka diyaaradaha, halka duleedka garoonka ay ka socdaan iska hor imaadyo,” Janaraal Abdelaziz al-Mosawi, oo ah taliyaha ciidamada birmadka ayaa sidaa Anadolu u sheegay.

Dhanka bari ee magaalada ayaa laga xoreeyay ISIS bishii lasoo dhaafay kadib dagaal culus.

Kumanaan ciidamada Ciraaq katirsan oo ay dabada ka riixayaan madaafiic iyo diyaaradaha dagaalka, ayaa ka qaybqaadanaya dagaalka lagu xoreynayo Mowsil.

Howlgalka ayaa waxaa hoos u riday walxaha qarxa oo ay ISIS gelisay jidka. Kooxaha miino saarka ayaa ciidamada kala qaybgalaya howlgalka si ay u saaraan qaraxyada jidka ay ISIS gelisay.

Howlgalka ISIS looga saarayo magaalada Mowsil ayaa bilaabmay bartamihii bishii Oktoobar ee sanadkii tagay. Mowsil ayaa gacanta maleeshiyada ISIS ku jirtay in ka badan labo sanno.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*