125 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay caasimada Ciraaq

Iraqis, including firefighters, gather at the site of a suicide car bombing claimed by the Islamic State group on July 3, 2016 in Baghdad's central Karrada district
Qaraxa oo waxyeeleeyay dhismayaal dukaamaysi oo kuyaala magaalada Baqdaad. Sawirka: AFP/Getty Images.

 

Ugu yaraan 125 qof ayaa lagu dilay dad gaaraya 150 kalena waa lagu dhaawacay qarax ay sheegatay kooxda dowlada Islaamiga ah oo ka dhacay caasimada dalka Ciraaq, Baqdaad.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay ayaa ku qarxay wado mashquul badan oo kutaala degmada Karrada gelinkii dambe ee Sabtida.

Deegaanka qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku xoogan Shiicada, dadka qaraxa ku waxyeeloobay ayaa u badan dad gelinkii dambe ee xalay halkaas ka dukaamaysanayay iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Qaraxan ka dhacay Baqdaad ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa oo ka dhaca dalka Ciraaq sanadkan.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*