Wasiirka deegaanka: Ma jiro haba yaraatee wax heshiis ah oo dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug dhexmaray

img_4116
Wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdulaahi Warsame. [Sawirka: Puntland Mirror]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dowlada Puntland ayaa ka hadashay wada-hadalo dhawaan dhexamaray masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdulaahi Warsame oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo ay la galeen maamulka Galmudug.

“Ma jiro haba yaraatee wax heshiis ah oo dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug dhexmaray oo arinta Gaalkacyo ku saabsan… arrinta Gaalkacyo wadahadalkeeda iyo wax ka qabashedeedu maahan arrin dhowr wasiir oo Galmudug kayimid ay go’aan ka gaari karayaan walib laga yaabo aan ahayn dadka deegaanka u dhashay,” ayuu yiri Cali Cabdulaahi Warsame.

“Gaalkacyo waxa ay u baahantahay nabadgalyo waarta… Gaalkacyo waxa ay u baahantahay xalkeeda ay helaan oo ay raadiyaan dadka ay dhibaato ka dhaxayso.” Ayuu ku daray wasiirka deegaanka.

Wasiirka Cali Cabdulaahi Warsame ayaa xaqiijiyay in wasiiro katirsan Galmudug ay xiriir lasoo sameeyeen, balse waxa uu sheegay in ay u sheegeen in nabada Gaalkacyo aysan ahayn mid ka go’da wasiiro balse ay tahay nabad ka go’da dadka degan deegaanka ayna u baahantahay dadka deegaanka iyo waxgaradka in ay fariistaan xalka meesha uu ku jirana ay ka soo saa-raan.

Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in dhismaha siinada ay u socoto si hasami leh ayna rajaynayaan inay kusoo gaba-gabowdo asbuuc gudihiis.

Hadalka Puntland ayaa imaanaya maalin kadib, Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed uu xaqiijiyay in ay wadahadal yeesheen madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayna wada-gaareen heshiis hordhac ah oo lagu joojinayo colaada magaalada Gaalkacyo laguna bilaabayo wada-hadalo dhexmara labada dhinac.

Warsidaha Puntland Mirror oo soo xiganaya ilo-wareed ku dhow madaxweynaha Puntland ayaa shalay oo Isniin ahayd daabacay in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo kan Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ay khadka taleefoonka wada-hadal ku yeesheen maalintii Axada ee lasoo dhaafay, labada madaxweyne ayaa isku raacay in la sameeyo xabada joojin deg deg ah, sida ilo-wareedka ay u sheegeen Puntland Mirror.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay dagaalo asbuucyadii lasoo dhaafay dhexmaray labada dhinac.

Sida ay bayaan ku sheegtay shalay asbuucii hore haayada Qaramada Midoobay ee xiriirka arrimaha insaanimada (UNOCHA), ku dhawaad 50,000 oo qof ayaa ku barakacay colaada ka soo cusboonaatay asbuucyadii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*