Golaha deegaanka Garoowe oo haayada Care ku eedeeyay in ay musuq-maasuqday mashruuca dhiraynta magaalada

Golaha deegaanka Garoowe oo haayada Care ku eedeeyay in ay musuq-maasuqday mashruuca dhiraynta magaalada. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Golaha deegaanka Garoowe oo haayada Care ku eedeeyay in ay musuq-maasuqday mashruuca dhiraynta magaalada. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha deegaanka degmada Garoowe ayaa ku eedeeyay haayada Care in ay musuq-maasuqday mashruuca dhiraynta magaalada Garoowe.

Xildhibaan Mowliid Aw-axmed Yuusuf oo golaha deegaanka u qaabilsan ilaalinta iyo dhowrista nidaamka caasimada Puntland ee Garoowe, ayaa shir jar’aaid oo maanta oo Arbaco ah uu ku qabtay gudaha magaalada ku eedeeyay haayada Care in ay musuq-maasuqday mashruucaas dhiraynta ee magaalada.

Xildhibaan Mowliid Aw-axmed Yuusuf oo saxaafada kula hadlay kadib markii ay soo kormeereen meelaha shaqada dhirayntu ka socotay. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Xildhibaan Mowliid Aw-axmed Yuusuf oo saxaafada la hadlay kadib markii ay soo kormeereen meelaha shaqada dhirayntu ka socotay. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]

“Shalay ayaan waxaan ogaanay in Care ay wado godad iyadoo aan dowladda hoose mashruucaas waxba aan kala socon, mashruucaan oo ay bixiyeen Midowga Yurub oo muddo la sugayay oo ay lahayd caasimada Puntland looguna talogalay magaalada in looga dhigo wada cagaar ah, waan soo dhaweynay qolada bixisayna waa ay ku mahadsanyihiin,” ayuu yiri xildhibaan Mowliid.

“Kadib markii aan ogaanay waxaan raadinay dowrkii ay ku lahayd dowladda hoose ee Garoowe oo ahayd qaabka naqshada ee loo beerayo dhirta, inta ay isku jireyso iyo dhirta nooceeda,” ayuu ku daray.

Xildhibaan Mowliid ayaa sheegay in kormeer ay ku sameeyeen mashruuca ay ku ogaadeen in sidii lagu heshiiyay aan loo qaban shaqada, lana siiyay shirkad aan magac lahayn oo aan diwaangashanayn.

Xildhibaanada golaha deegaanka Garoowe oo kormeer ku tagay meelaha ay ka socotay shaqada dhiraynta. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Xildhibaanada golaha deegaanka Garoowe oo kormeer ku tagay meelaha ay ka socotay shaqada dhiraynta. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]

“Heshiiska ay kala saxiixdeen Care iyo European Union-ka waxaa ku qoran in marka dhirta la abuurayo la qodo hal mitir oo hoos ah balacana uu yahay 80x80cm iyo shabaqa lagu xirayo dhirta oo ah 1.8 mitir oo kor ah iyo balaca oo ah 80×80,” ayuu yiri.

“Kadib markaan baaritaan ku sameynay qolyaha qaatay mashruuca dhiraynta, waxa ay qodeen nus mitir balacana waxaa ay qodeen 20cm.” ayuu ku daray.

Xildhibaanka ayaa haayada Care ka codsaday in mashruuca sidii loogu talogalay ay u fuliso.

“Haayada Care waxaan ka codsanaynaa in ay mashruuca sidii loogu talogalay ay u fuliso,” ayuu yiri Mowliid.

“Ma qaadanayno wax la yiraahdo laaluush dad badan ayaa isoo wacay oo waxa ay ii sheegeen in howshaas la dhammeynayo oo aan kawadahadalno kadib anigu waan ka afeeftay oo waxaan iri wax ujeedo ah oo aan ka leeyahay ma jirto qandaraas aan rabo iyo wax kale oo aan ka leeyahay ma jirto, geedkaas magaalada Garoowe u haraya ayaan anigu masuul uga ahay ummada reer Puntland, meeshaan waa caasimadii, caasimadu waa muraayadii Puntland hadday hagaagto waxaa hagaagaya Puntland oo dhan.” Ayuu ku daray.

Ugu dambayna xildhibaanka ayaa dhammaan haayadaha caalamiga ah ee ku sugan caasimada ka codsaday in ay ilaaliyaan sharciga iyo dastuurka dalku leeyahay marka ay howlo ka qabanayaan gudaha magaalada, golaha deegaanka degmadana la siiyo kaalinta ay ku kuleeyihiin shaqada.

Dhanka kale, warsidaha Puntland Mirror, ayaa xiriir la sameeyay saraakiisha haayada Care International xafiiskeeda Garoowe, balse wax jawaab ah kama aanan helin ilaa iyo hadda oo aan daabacaada sameynay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*