Soomaaliya oo sheegtay in Al-Shabaab milatari ahaan loo garaacay

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar oo khudbad ka jeedinayay shirka 71-aad ee Qaramada Midoobay xarunteda New York. Xuquuqda Sawirka: UN Photo/Cia Pak.

New York-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha dibada dowlada federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa sheegay in guul laga gaaray howlgalada wadajirka ay u wadaan ciidamada milatariga Soomaalita iyo kuwa nabad illaalinta ee ka socda Midowga Afrika.

“Waxaanu milatari ahaan u garaacnay shaydaanka kaasoo ah Al-Shabaab,” ayuu yiri Abdisalaam Cumar Hadliye oo ka hadlayay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Waxaa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay maamusho wax ka yar 10 boqolkiiba oo dalka ah, wuxuuna xusay wasiirka in badan oo hoggaamiyaasha Al-Shabaab ah in la dilay ama dowlada ay isku soo dhiibeen intii lagu guda jiray bilihii u dambeeyay.

Cabdisalaam Cumar ayaa ka sheegay shirka sanadlaha ah ee wasiirada ee Qaramada Midoobay shalay oo Sabti ahayd in Al-Shabaab laga saraay deegaano badan oo ay kamidyihiin magaalooyin muhiim ah oo ay haysteen.

Waxaa uu sheegay in dowlada ay isku-dayayso sidii kor loogu qaadi lahaa howlgalada nabadgalyo si looga hortago weeraro cusub oo kayimaada maleeshiyada Al-Shabaab.

Hadliye ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab sida dhabta ah ay ka fogaatay dadka Soomaaliyeed, weeraradeeda waxshinimada ahna ay tusaale sax ah u yihiin in awoodeedii wiiqantay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa u dagaalamysa sidii ay awooda uga tuuri lahayd dowlada ay Qaramada Midoobay taageerto ee Soomaaliya, kooxda ayaa rabta in dalka ka samayso maamul Islaami ah oo ay iyadu maamusho.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*