Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeybgalay shir saddex geesood ah

Shirka ayaa u dhaxeeya Soomaaliya, Italy iyo Ethiopia. [Isha Sawirka: Facebook]


Addis Ababa-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo uu weheliyo wasiirka arrimaha dibada Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta magaalada Addis Ababa uga qeybgalay shirka saddex-geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Shir Madaxeedka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya ayaa looga wadahadlay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, sidoo kale kulanka ayaa lagu lafo-guray danaha wadajirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*