Afar dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka oo ka dhacay meel u dhow Muqdisho

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Pountland Mirror) Afar dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta ayaa Khamiistii ka dhacday meel qiyaastii 74 mayl dhanka waqooyi-galbeed ka xigta Muqdisho, sida Taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ay bayaan ku sheegeen maanta oo Jimce ah.

Wax dad ah oo shacab ah kuma dhiman weerarka, bayaanka lagu sii sheegay.

“Ciidamada Mareykanka waa ay sii wadi doonaan in ay adeegsadaan dhammaan tallaabooyinka la ansixiyay iyo kuwa ku haboon ee lagu ilaalinayo muwaadiniinta Mareykanka si looga hortago dhammaan khataraha argagixisada,” AFRICOM ayaa sidaas sheegtay.

Mareykanka ayaa kordhiyay weeraradiisa ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu awood badan siiyay AFRICOM si ay u qaadaan duqeymo lagu bartilmaameedsanayo kooxda hubeysan ee ku sugan Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*