Home Somalia Xasan Shiikh oo dalalka Jaamacada Carabta ka codsaday in ay gacan ka geystaan abaarta ka jirta dalka
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalalka Jaamacada Carabta ka codsaday in ay gacan ka geystaan abaarta ka jirta dalka. [Sawirka: Radio Muqdisho] Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulan looga hadlayay sidii looga qeybgali lahaa gurmadka abaarta ka jirta dalka la yeeshay diblomaasiyiinta dalalka Jaamacada Carabta u jooga Soomaaliya.
Xasan Shiikh ayaa ka codsaday dalalka Carabta in ay kaalmo insaanimo ka geystaan abaarta daran ee haysata dadka Soomaaliyeed.
Dhankooda, diblomaasiyiinta Jaamacada Carabta ayaa balanqaaday in ay gacan ka geysan doonaan abaarta ka jirta dalka.
Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay khatar ugu jirto in ay dib ugu dhacdo gaajo, iyada oo abaartu sii xumaanayso ku dhawaad shan milyan oo dad ah ayaan haysan cuno, biyo iyo daryeel caafimaad.
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.
Be the first to comment