Wasaarada arrimaha gudaha Sucuudiga oo aqoonsatay ninkii isku qarxiyay banaanka masjidka Nabiga

naer
Naer Muslam Xammad Al-Nijadi oo qaaday weerarkii isbiimaynta ahaa ee ka dhacay banaanka masjidka Nabiga.

Wasaarada arrimaha gudaha Sucuudiga ayaa maalintii Jimcada sheegtay magaca naftiis haligihii ka dambeeyay weerarkii foolxumada ahaa ee ka dhacay meel u dhow masjidka Nabiga ee magaalada Madiina kaasoo ay ku shahiideen saddex kamid ah ilaalada amaanka.

Wasaarada ayaa sheegtay in Naer Muslam Xammad Al-Nijadi oo 26-sanno jir ah uu qaaday weerarka, wasaarada ayaa intaas ku dartay in ninkaas uu lahaa maandooriye (Mukhaadaraadka isticmaali jiray), sida lagu sheegay bayaanka wasaarada arrimaha gudaha Sucuudiga.

Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay in la qabtay 19 laga shaki qabo, oo 12 kamid ah ay u dhasheen Pakistan 7 kalena ay u dhasheen Sucuudiga, kuwaasoo loo malaynayo in ay ku lug leeyihiin weeraro ka dhacay magaalooyinka Madiina, Qaatif iyo Jiddah.

Weerarada ka dhacay dhulka barakaysan ayaa yimid kahor inta aysan dhamaan bishii Ramadaan oo Muslimiinta ay soomanaayeen.

Waa markii kowaad oo weerar argagixiso ah ka dhaco magaalada Madiina oo ah magaalada labaad ee dhanka caqiidada Islaamka ugu weyn, taasoo uu ka dhisanyahay masjidka Nabi Maxamed, waxaa kale oo masjidka agtiisa ku yaala qabriga Nabiga (nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee).

Hoggaamiyaasha wadamada Islaamka ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkaas foosha xun oo ka dhacay dhulka barakaysan (Sucuudi Caraabiya).

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*